sida ugu fudud ee quraanka lagu xifdiyo


Su`aashaan jawaabteeda waxaa suura gal ah in marka hore kugu adkaato balse waa lagu xifdin karaa muddo sodon cesho ah Qur`aanka Kariimka waa arin horay u dhacday, si aad u gaarto go`aanka ah in muddo 30-cesho ah ku xifdiso Qur`aanka kariimka waxa ay kaaga baahan tahay qodobadaan. 1-Waa in aad gaartaa go`aan kama dambeeys ah oo ku aadan in aad 30-kaasi cesho ku xifdiso Qu`raanka kariimka. 2-Waa in aad leedahay Himo sareysa(Hami) 3-In aad la saaxibtaa dad ku dhiiri gilinaya oo aan niyad jab kuugu beereyn ama hoos ku dhigeeyn . 4-In aad sabar leedahay oo aad u adkeeysataa hadiiba ay dhacdo in culeys kugu noqdo .