Maadooyinka


Mac-hadka Almedina Qur,aan waa Dugsi online ah oo aad ka baran karto culuunta Quraanka meel walba oo aad dunida ka joogto, Madarasada waxaa dhigta arday ku kanool dunida dafaheeda sida Usa, Europa,carabta,Africa, Asia,Australia iyo Qeybo kamid ah Somaliya.
almedina academy Online wuxuu kuu diyaariyay wax barasho tayo leh iyo macalimiin aqoon durugsan u leh barida iyo ku barbaarinta ubadka Quraanka kariimka iyagoo adeegsanaya qalab casri ah oo aan ka dhicin macalin ku horjooga hadaba madrasadu waxay siinayaa ardayda cusub tijaabo sedex maalmood ah oo lacag la’aan ah si uu ugu qanco waalidku.
Machadka waxaa wax kabaran kara qof kasta caruur iyo cirooleba heer kastaba bilow dhexdhexaad iyo dhameystir , waa fursad qaali ah ee ka faa,iideysi wacan.
Maadooyinka laguu dhigi doono waa sidan soo socota:

Xifdiga Quraanka Kariimka ah
Barashada Qiraa’ada Qur’aanka
Barashada Akhrinta iyo Qorista Carabiga
Barashada Caqiidada & Aasaaska Islamka
Barashada Axaadiista Rasuulka (SCW)
Barashada Salaada iyo Axkaamteeda
Barashada Ducooyinka iyo Tarbiyada Islaamka
Barashada Luuqada Carabiga